Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal ka dhacay aagga Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari in Xarakada Al-shabaab loogu dilay in ka badan 25-askari oo ay ku jiraan Saraakiil Cadaan ah.
Taliyaha ciidanka daraawiishta Maamulka Puntland General Saciid Dheere oo haatan ku sugan magaalada Bosaaso ee Gobolka bari ayaa xaqiijiyay dilka, dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab iyo Saraakishooda.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka daraawiishta Maamulka Puntland wuxuu sheegay inay Al-shaabab kale ay ku dileen dagaalkii maalintii khamiistii tuulada Afurur ku dhexmaray ciidanka difaaca Puntland iyo Xarakada Alshabab.

