Hindiya iyo Somaliya oo Kawada Hadlay Xaaladda Maxaabiista

0

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya yuusuf Garaad Omar ayaa  Magalada Nairobi ee caasimadda Kenya  kula kulmay Danjiraha India ee qaabbilsan Soomaaliya, Suchitra Durai oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay Wasiirka  ay kawada hadleen xiriirka labada dal ee soo jireenka ah, iskaashiga labada Dowladood oo heer billow ah taagan, korna u sii socda.

“Magaalada Nairobi ayaa kula kulmay Danjiraha India ee qaabbilsan Soomaaliya, Suchitra Durai  Waxaan uga mahadceliyay ciidanka India ee ka qeyb qaatay nabad ilaalinta Soomaaliya sagaashamaadkii iyaga oo ka tirsan Qarammada Midoobay,Waxay iiga warbixisay xaaladda Maxaabbiista Soomaaliyeed iyo sidii gacanta Dowladda looga soo wareejin lahaa, Arrintaas oo intii hore ka soo dhowaatay maaddaama ay Golaha Wasiirrada ee India ay aqbaleen heshiis ay kala saxiixan doonaan labada Dowladood oo Maxaabbiista la isugu celinayo”, ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale  Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya yuusuf Garaad Omar  waxa uu sheegay  sida arrinkaas muhiim iyo weliba deg deg noogu yahay.  Waxaan ka codsaday in saxiixa heshiiska iyo ebyidda howshan ay dhankooda de-dejiyaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here