Kooxo hubeysan ayaa caawa maqribkii waxa ay agagaarka Hoteel Garguurte ee Degmada yaaqshid ee Gobolka Banaadir ay ku dileen mid kamid ahaa Ergooyinka Xildhibaanada kasoo doortay deeganada maamulka Hir-shabeelle.
Ala ha u Naxariistee Axmadey Barre oo kamid ahaa Ergooyinkii Xildhibanaada kasoo doortay Magaalada Jowhar ayaa la toogtay xiligii maqribki waxaana dilkiisa fuliyay rag ku hubeysnaa bastoolado oo la sheegy In dhowr xabadood ay ku dhufteen islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen markuu dilka dhacay kadib.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya mana jirto cid loo soo qabtay dilka loo geystay Ala ha u Naxariistee Axmadey Barre oo kamid ahaa ergooyinkii Xildhibanaada kasoo doortay Magaalada Jowhar.
Ergooyinka Xildhibaanada soo doortay ayaa beegsi lagu hayay dhowrii bilood aynu soo dhaafnay.

