La Taliyaha khaaska ah ee Boqorka Sacuudiga oo Muqdisho Soo Gaaray

0

Magaalada muqdisho waxaa maanta soo gaaray La taliyaha khaaska ah ee Boqorka Sacuudi Carabia oo wuxuuna la kulmay madaxda Dowladda Somalia si uu u ogaado Go,aanka iyo mowqifka ay Dowladda Federaalka Somalia ka taagantahay muranka ka dhex jira dowladda Qatar , Sacuudiga iyo Xulufadiisa.

Diyaarad qaas ah oo waday Lataliyaha Boqorka sacuudiga ayaa soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha aaden cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo Madaxda Dowladda Somalia ay u caddeeyeen lataliyaha sacuudiga inay meel dhexe ka taaganyihiin Muranka u dhexeeya dowladaha khaliijka islamarkaana ay door ka qaadan doonaan sidii loo dhex dhexaadin lahaa oo loo dhammeyn lahaa khilaafka jira.

Xogtaan waxaa xaqiijiyay  saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Somalia.

Ugu dambeyntii La taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa diyaaradda waday la raacay Xubnaha Golaha wasiirrada ee maanta u safray sacuudiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here