Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya oo u Dhoofay Sacuudiga+Sawirro

0

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadac cadde waxaa Maanta ka dhoofay Shan wasiiro oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya kuwaasi oo ku wajahan magaalada Riyad ee boqortooyadda dalka Sacuudiga.

Wasiirada ka baxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxa kamid wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidkacirka iyo dhulka Maryan Aweys Jaamac iyo wasiiro kale waxaa ku wehliya safarkooda La taliyaha khaaska ah ee Boqorka Sacuudi Carabia oo Muqdisho maanta soo gaaray.

Ujeedka safarka wasiiradaan ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa lagu sheegay heshiisyo ay lasoo gali doonaan dhigooda dalka sacuudi Arabia madaama  dhawaan uu dalkaas gaaray madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here