Maaamulka degaanka goof gaduud ee duleedka magalada beydhabo ayaa sheegay ciidamo katirsan Xarakada Al-shabaab in ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan Degaano iyo dagmooyin hoos taga gobalka bay.
Gudoomiyaha deeganka goof-gaduud Xasan Xasanow isaaq oo la hadlay idaacada Simba aya sheegay in Al-shabaab kaga cabsi qabaan in ay kala wareegaan deegaanka maa daama habeenkii inta badan ay roondo kasameyaan ciidamo shabaabka taabacsn meel aa saas kaga fogeyn degaanka goof-gadud ee gobalka bay.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan inta tabartooda ah ayna ka dalbanayaan mamulka koonfur galbeed Soomaliya in ay sanad iyo ciidan intaba lasoo garab is taagaan.
Deegaanka Goof Gaduud ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada maamulka koofur-galbeyd oo gacan ka helaya ciidamada ethopia iyo kuwa dagaalamayaasha Xarakada Alshabaab , waxaana marar badan gacan ku heynta deegaankaas uu ahaa mid is bed-bedelayay.

