Wafdi uu Hogaaminaayo madaxweynaha maamuka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goordhaweyd gaaray Degmada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud.
Xaaf ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinaya Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo waxgarad kale.
Madaxweyne Xaaf ayaa noqonaya Madaxweynihii Galmudug ee ugu horeeyey ee booqda Magaalada Cabudwaaq, magaaladan ayaa ka mid magaalooyinka ugu dadka badan deegaanada Galmudug, waxaana muddo ka jirtay amni darro iyo is ugaarsi beelaha wada daga.






