Axmed Daaci:-Hal Gobol in Bartilmaameedka Laga Dhigto Sax Mahan”,

0
GE DIGITAL CAMERA

Guddoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow(Daaci) oo la hadlay Laanta afka Soomaliga ee BBC-da ayaa sheegay in wado  fiican ay ku socoto dowladda Soomaliya oo ku aadan in hub ku dhigis lagu sameeyo shaqsiyaad aan ka tirsaneen Dowladda.

“Waa fiicantahay hub ka dhigis in la sameeyo , laakiin waxaa fiican marka hore in cadowga laga dhigo awooda cadowga in la wiiqo , awooda cadowga marka la wiiqo kadib tuug saqajaanka iyo burcadka hubka laga dhigo laakiin hub ka dhigis laga bilaabayo dadkii cadowgu target-gareynayey, ama ciidamadii ama siyaasiyiintii, aniga taasi aniga taasi sax ilama ahan!”, ayuu yiri Guddoomiyihii hore Ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow.

“Maqaamkii dowladdnimo in lasoo celiyo waa wada rabnaa, Laakiin maqaamkii dowladdnimo midaani waa dhimaysa hadii aysan hubka dhigista gobollada Soomaaliya oo dhan aysan ka dhaceyn, hal gobol in target laga dhigto sax mahan”,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here