Kooxo Burcad koonfur Afrikaan ah ayaa saacado kahor waxa ay Bartamaha Magaalada Port Elizabeth Ee Dalka Koonfur Afrika ku dileen Muwaadinta oo la sheegay in uu goynayay wadada.
Marxuumka ayaa Magaciisa La Sheegay ”Mubashar Axmed Raabi”’ waxaana dilkiisa ka dambeeyay burcad koonfur afrikaan ah oo la sheegay in ay dhagax nafta kaga qaadeen islamarkaana ay goobta ka baxsadeen markuu falka dhacay.
Ciidamada amaanka Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray inkastoo aysan ku guuleysanin in ay gacanta ku dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Muwaadinka Soomaliyeed.

