Faah-faahin:-Qarax Lala Eegatay Ciidamo Ka Tirsan Jubba-land

0

Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka jubba-land ayaa ku waramaya In qarax miino lala eegtay Ciidamo ka tirsan Maamulkas oo marayay duleedka magaaladaas.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa  nooca dhulka la galiyo islamarkaana lagu qarxiyay gaari kuwa dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba-land, qasaarana uu soo gaaray Ciidamada.

Warar lagu baahiyay baraha Xarakada  Al-shabaab ayaa lagu sheegay In shabaab ay qaraxaas ka dambeeyeen islamarkaana qasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada maamulka jubba-land.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka jubba-land oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here