Madaxda Maamul Goboleedyadda iyo Wakiilka QM oo Gaaray Cadaado

0

Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa Goordhaweyd gaaray qaar kamid ah madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda dalka ka jira, iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaliya.

Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweyanaha Maamulka Jubba-land, C/wali maxamed Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe, iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaliya Denjire Micheal keating ayaa gaaray magaalada Cadaado.

Madaxdaan ayaa ka qeyb galaysa Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo maanta ka dhacaysa Magaaladas.

Dhanka Kale wafdi uu Hogaaminayo madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Cadaado si ay kaga qeyb galaan caleema-saarka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here