Akhriso:-Wararkii Ugu Dambeeyay Caleema-saarka Xaaf iyo Madaxda Ka Qeyb galaysa

0

Magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa laga dareemayaa diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee Caleema-saarka Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Amaanka magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya, iyo kuwa Dowladda Goboleedka Galmudug iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo sugaya amaanka magaaladaas inta lagu guda jiro Caleema-saarka madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe, Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya  Cabdi Juxa iyo Madax kale ayaa la filayaa in ay goordhow ay ka dagaan garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu Hogaaminayo  ayaa beri tagaya sida qorshaha uu yahay Magaalada  Cadaado, si uu uga qeyb galo caleemasaarka, inkastoo la filayo inuu joogo saacado kooban, halka Madaxda kale la filayo inay waqti intaa ka dheer joogaan Cadaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here