Abaarihii 05:35-daqiiqo ee Galabnimo ayaa waxaa qarax xoog badan laga maqlay Gudaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayadda ka ak dhow Dekadda Magaalada muqdisho oo ku taala Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir,waxaana la xaqiijiyay in gaari waxybaaha qarxa laga soo buuxiyay oo goobta yaalay in uu qarxay.
Dhanka kale Saraakiisha Booliska Dowladda Sooomaliya ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen 4-qof halka ay ku dhaawacmeen 10-ruux oo dhamaan shacab Soomaliyeed ahaa oo xiligaas halkaas ka ak dhawaa.

