Afhayeenka Baarlamanka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo qoraal soo saaray ayaa ku booriyay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) in dowladda Soomailiya ay cadeyso islamarkaana ay la timaado waxa kaga aadan heshiiska dhexmaray Maamulka Somali-land iyo Dowladda Imaaraadka carabta ee Dekadda iyo Saldhiga Magaalada Barbera ee Gobolka Saaxil.
Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dalbaday in Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamanka 10-aad in uu ka jeediyo waxa dowladda Soomaliya ay ka qabto heshiiska.





