Warar lagu kalsoonan karo oo ay halayso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in 3-sarkaal o ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in laga sii daayay Xabsiga Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.
Talaabadaan ayaa ka dambaysay ka dib markii AlShabaab lacag looga badashay nimankii ka xirnaa, waxaana tilaabadan la sheegay inuu kadambeeyey Taliye Gaas oo ah kuxigeenka nabadsugida Maamulka Jubbaland.
Xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka jubba-land Khaalid Maxamed Shiikh uu xilkii ka qaaday taliyaha lagu edeeyay in uu ka dambeeyay falkaan,waxaana haatan jira qilaaf u dhaxeeya Madaxda jubba-land oo ka dhashay sii deysmada Saraakiisha ka Tirsan Xarakada Al-shababa.
Al-Shabaab ayaa lacago $34,000 dollar ku badashay maxaabiistii ka xirnayd kuwaasoo hada la xaqiijiyay inay gaareen magaalada Jilib.

