Maamulka Deegaanka NO50 ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaankaas kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.
Gudoomiyaha Deegaanka NO50 C/laahi Waafow oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaliya oo howlgala ka sameenaya xaafada deegaankaas ay iska caabin kala kulmeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay bartilmaameedkooda uu ahaa in gacanta lagu dhigo askar ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo dhaawac ah kuwaasi oo lagu dabiibayo xaafado ka tirsan Deegaanka NO50 ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Xaaladda Deegaanka NO50 ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa haatan dagan waxaa laga maqlayaa rasaas goos-goos ah oo ay isweedaarsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

