Haweeney Soomali ah oo Lala Xiriirinayo Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Manchester

0

Haweeney Soomaali ah oo ku nool koofurta dalka Australia ayaa lagu eedeeyay in ay xiriirka dhanka internet-ka ah ay la laheyd kooxda la magac baxday qilaafada Islamka ee daacish sida sarkaal katirsan  Police-ka dalka Australia uu warbaahinta u sheegay.

Haweenaydaan Soomaaliyeed ayaa booliiska ka hortaga falalka waxa loogu yeero argagixinimada 10 bilood ka hor waxeey ka joojiyeen  in ay ka dhoofto dalka Australia waxaana da’deeda lagu sheegay 22 jir austrilian ah balse soomaaliya katimid iyadoo jirtay 14-Sano.

Haweeneydan  oo baaritaano kadib  lagu xiray  xabsi ku yaala dalka Austrelia ayaa lala xeriirinyaa  in dhanka internet-ka xiriir ay kula sameesay  kooxda lamagac baxday qilaafada islaamka ee  ISIL waxaana police-ka dalkaasi ay sheegeen in ay u balan qaaday daacanimadeeeda ku aadan  taageerada ay u heyso kooxda daacish.

Agaasimaha police-ka ladagaalanka waxa loogu yeero  argagixisada ee dalka Austrila  ayaa tilmaamay in eedeemaha loo heysto haweyneedan soomaaliyeed  aynan la’xeriirin weerarkii xalay ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain halkaa oo 20 qufood ay ku dhinteen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here