Xisbiyada Mucaradka Soomaaliland oo Dacwad Ka Gudbinaya Madaxweynaha Maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.

0

Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani ee ka jira deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegeen inay gudbinayaan warqad dacwo ah oo ka dhan ah madaxda maamulka Soomaaliland oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Soomaaliland.

Sababta warqaddan dacwada ah ay u gudbinayaan masuuliyiintay ayey ku sheegeen inay tahay kadib markii shalay xukun lagu riday laba masuul oo ka mid ah xisbigaasi oo eedeyn loo jeediyey horraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga waddani ayay ku sheegeen hoggaanka xisbigu in arintan ay tahay ku tagri fal awoodeed oo ay sameynayaan xubno ka mid ah Maamulka Soomaaliland gaar ahaan xisbiga talada Haya ee Kulmiye.

Warqaddan ayaa dhawaan loo gudbindoonaa maxkamadda sare ee maamulka Soomaaliland ee magaalada Hargeysa si dacwaddaan loogu ogolaado racfaan maadaama ay sharci ahaanshaha xukunka laga cabanayo la sheegay inuu ahaa mid aan sax ahayn.

Dhinaca kale waxaa lagu waramayaa in arintan si hoose ay ku guul-dareysteen inay u xalliyaan madaxda maamulka Soomaaliland iyo Kan Xisbiga Waddani,waxaana khilaaf ka dhashay arintaan uu ka taganyahay deegaanada Maamulkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here