Yaa Ka Dambeeyay Dilka Gaalkacyo Loogu Geystay Sarkaalad Boolis

0

Xasan Maxamed Khaliif Abgaaloow Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in maamulku uu aqoonsaday ruuxii ka dambeeyey haweeneey lagu magacaabi jiray warsan Faarax Yacquub oo saaka waabarigii lagu dilay agagaarka Saldhigga dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

Haweeneydan oo sida la sheegay ahayd Sarkaalad ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu dhax-dilay goob ganacsi oo ay ku lahayd halka lagu dilay iyadoo warar isqilaafsanna ay kasoo baxayaan sababta keentay dilkeeda.

Guddoomiye Abgaaloow ayaasa u sheegay idaacadda Simba in ruuxa falka dilka ah geystay uu isagoo isku ekeysiinaya tuug uu si ku talagal ah uu falkan u geystay kadibna uu goobta ka baxsaday balse ay aqoonsadeen sida uu yiri dad ka ag dhawaa goobta uu dilka ka geystay oo uu baartay intuusan cararin.

Waxaa uu sheegay in hadda uu socdo baaritaan ku aaddan sababta falkan uu ruuxan u geystay,markii ay kiiskan soo xaqiijiyaanna ay warbaahinta usoo bandhigidoonaan.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa dhawr tillaabo ay u jirtaa Saldhigga Wey nee Magaalada Gaalkacyo,iyadoona aysan ciidankii joogay saldhiggu wax gurmad ah u sameynin haweneyda xilligii la dilayey taasi oo dadka qaar ee ehelka la ah haweeneyda ay sheegeen inay u egtahay in falkan uu ahaa mid la isla ogaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here