Dowlada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday qorsho ay ku adkeyneyso amaanka dalkaas iyadoo ciidamada police-ka Kenya gaar ahaan ciidamada police-ka iska caabinta ee loo yaqaano (KRR) laga howlgaliyay magaalada Mandera oo ku teedsan xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya waxaana dowlada Kenya ay xustay in ay kor u qaadi doonto nabad galyada halkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dowlada Kenya ay ka go’antahay horumarinta amaanka Mandera oo dhowr jeer oo hore Xarakada Al shabaab halkaasi ay weeraro ka fuliyeen.
“Waxaan diyar u nahay in aan ka howlgelino 150- kamid ah ciidamada booliiska gaarka bishaan gudaheeda waxaan u baahanhay mandera oo nabad ah si dadka ganacsigooda maalin laha ah ay u sii wataan” Mr. Ruto ayaa sidaas yiri.
Madaxweyne k- xigeenka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga Jubilee ee talada dalkaasi gacanta ku haya in had iyo jeer ay dhageestaan dhibaatooyinka heesta muwaadiniinta kenyaatiga ah gaar ahaan kuwa ka cabanaya amaan darrida.
Magaalada Mandera oo bishii October lagu soo rogay bandoow ayaa waxa uu madaxweyne ku xigeenka Kenya uu sheegay in inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan in in bandowga la’qaadi doono.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in hadii markale dib loo doorto Uhuru Kenyatta in wadooyin badan laga dhisi doono deegaanada waqooyi bari ee dalka Kenya.

