Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntand Eng C/xakiim Xaaji Cumar (Camey) ayaa maanta sheegay in qaar kamid ah carruurtii Shabaabka ahaa ee Puntland usoo gudbisay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya si loogu sameeyo dhaqan celin in ay dib ugu biireen Al-shabaab oo qaarkoodba lagu qabtay dagaalo.
Eng C/xakiim Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa cadeeyay inay arrintaan u haystaan hay’ad lagu magacaabo Elman oo ka shaqeysa xuquul insaanka carruurta, taasoo lagu wareejiyay carrurtaan, si ay dhaqan celin ugu sameyso.
“Hay’adda Elman war ay inoo sii gubdisay waxa weeyaan in dhalinyaradii Muqdisho loosoo direy si dhaqan celin loogu sameeyo in ay ku biireen Al-shabaab,Puntland hadda kadib waxa ay ka fekeraysaa in aysan mar dambe Xamar usoo dirin cid dambiile ah oo dhulkeeda dambi ku gashay ama carruur ha ahaadeen ama dad waaweyn”, ayuu yiri Camey.

