Camey:-“Dhalinyaradii Lagu Qabatay Dagaaladii Suuj ee La Daayey Shabaab Ayay Dib Ugu Biireen”,+Dhegeyso

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntand Eng C/xakiim Xaaji Cumar (Camey) ayaa maanta sheegay in qaar kamid ah carruurtii Shabaabka ahaa ee Puntland usoo gudbisay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya  si loogu sameeyo dhaqan celin  in ay dib ugu biireen Al-shabaab oo qaarkoodba lagu qabtay dagaalo.

Eng C/xakiim Xaaji Cumar (Camey)  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa cadeeyay inay arrintaan u haystaan hay’ad lagu magacaabo Elman oo ka shaqeysa xuquul insaanka carruurta, taasoo lagu wareejiyay carrurtaan, si ay dhaqan celin ugu sameyso.

“Hay’adda Elman war ay inoo sii gubdisay waxa  weeyaan in dhalinyaradii Muqdisho loosoo direy si dhaqan celin loogu sameeyo in ay ku biireen Al-shabaab,Puntland hadda kadib waxa ay  ka fekeraysaa in aysan mar dambe Xamar usoo dirin cid dambiile ah oo dhulkeeda dambi ku gashay ama carruur ha ahaadeen ama dad waaweyn”, ayuu yiri Camey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here