Wasiirka Kaluumaysiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa Maamulka Puntlad ku eedeeyey in ay u dhaqmayso sidii dowlad madax banaan ka dib markii uu fashilmay shir looga hadlayey saami qaybsiga kaluumaysiga Soomaliya oo Jaziiradda Seychelles ku lahaayeen dowlda Federalka ah iyo maamul Goboleedyada
Wasiirka ayaa sheegay in maamul goboleedyada kale ku qanceen saami qaybsiga halka Puntland dalbagay saami le’eg midka dowlada federalka ah qaadanayso taasi oo keentay in shirkii istaago isagoo aan wax heshiis ah lagu gaarin .
Ilaa hada wasaarada kaluumaysiga Dowladd goboleedka Puntland kama hadlin eeda uu u jeediyey wasiirka kaluumaysiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Soomaliya .

