Boqor Maxmed Jaamac Suldaan Cumar oo kamid ah beelaha kasoo jeeda deeganada Maamulka Soomaliland oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa eedeen u jeediyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir.
Boqorka ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliyeed uu si cadaalad daro uu ku shaqeeyo islamarkaana shacabka Soomaliyeed lagu dhabeeteeyo xili walba.
Si gaar ah ayuu ugu eedeeyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir in uu adeegsado awoodo isaga u gaar ah, wuxuuna ugu baaqay madaxda Dowladda Soomaliya in ay arintaasn wax ka qabtaan.

