Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Si cad u sheegay in hadii wax ka qaban waayo xaalada Amni ee dalka in uusan Rajo ka qabin in 4-sano kale uu isku soo taago Xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Xaalada Amni Dalka ayaa ku dhawaaqay Dowladdiisu ay Dagaal ka dhan ah la gali doonto Kooxaha ku labista Dariiska Ciidamada Dowllada ee Shacabka dhibaatada u Geysta.
Madaxweyna Farmaajo ayaa Amar Culus Faray Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Gudoomiyaha Madaxkamada Daraja 1—aad oo uu ku amray Tilaabo sharciga waafaqsan in ay ka qaadaan Cidii lagu helo isbaaro uu Xusay in Hadii Dowladasii ay wax ka qaban weydo Dhibtooyinka Dhanka amaanka ah uusan Xilka Mar Danbe isku soo taagayn.

