Akhriso:-Shabaab oo Shaaciyay Magacyadda Mas’uuliyiinta DF ee Lagu Dilay Qaraxii Italian Coffee

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qarax gaari kuwa raaxadda ah loo adeegsaday oo shalay ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku dhegan gurigii hore ee shaqaalaha oo ku dhow Ha’yada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya waxaa ku dhintay General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.

Shabaab waxa ay sheegeen in bartilmaameedka qaraxaas oo ahaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya oo  fadhiyay afafka Hore ee Maqaayadda Italian Coffee islamarkaana weerarka ujeedkii laga lahaa la gaaray waa sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab.

Hoos Ka Akhri dhimashada iyo dhaawac saraakiisha magacyadooda ay shaaciyeen Al-shabaab.

1-Cabdi Bashir Aadan oo Roha ku magac dheeraa/dhimasho  wuxuu ahaa taliyaha ciidanka Gobolka Hiiraan

2-Gaashaanlle Cabdi Makakaan/dhimasho wuxuu katirsanaa waaxda socdaalka

3-Faysal Caraale Madaxa hay’adaha Qaramada Midoobe ee ka howlgala gobolka Hiiraan/dhaawac

4-Eng.Ismaaciil wuxuu katirsanaa waaxda socdaalka/ dhaawac Halis ah

5-Jamaal Madaxa dhaqan celinta waxa ay ugu yeeraan dadka alshabaab ka goosta ee gobolka Hiiraan/ dhaawac garaab ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here