Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku dhimatay 10-kalana way ku dhaacmeen kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa uu ku qarxay Kasoo hor jeedka maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku dhegan gurigii hore ee shaqaalaha oo ku dhow Ha’yada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.
Xiliga qaraxa uu dhacayay ayaa waxaa maqayadda gudaheeda iyo banaakeeda fadhiyay dad aad u fara badan oo xiligaas ku shaahaynayay, waxayna maqaayadda kamid tahay goobaha aadka ugu mashquulka badan, madaama lagu sameeyo cunooyinka Talyaaniga.
Dadka dhaawacmay oo u badnaa dad shacab ah ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka,waxaana durbadiiba goobta isku gadaamay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya,waxaana sidoo kale gaadiidka dab damiska dowladda Hoose ayaa goobta gaaray si ay u damiyaan gaariga qarxay oo gubayay.
Lama ogo cida rasmiga ah ee qaraxa loola damacanayaa ee ku sugneed maqaayadda Italian Caffe oo ku dhegan gurigii hore ee shaqaalaha oo ku dhow Ha’yada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.












