Qarjab:-“Dadka Kufsiga Geysta Hadii La Waayo Abayaashooda ayaa La Xiri Doonaa”,+Dhageyso

0

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo warbaahinta kula  hadlay degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa ka dalbaday odoyaasha degmaadaas in Puntland ay usoo gacan galiyaan todobo dhalinyaro ah oo dhowaandegmada Burtinle ka geystay kufsi wadareed loo geystay gabadh 13 jir ah.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wuxuuna sheegay haddii la keeni waayo inay Puntland  xiridoonto Aabayaashooda iyo cid walba oo isku dayda inay qabiil ku difaacdo, dhalinyaradda kufsiga ka geysatay deegaankas.

“Dambiile waa dambiile, waalana qabanayaa, Waxaan rabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo keeno damiilayaasha walaahi ka tagi mayno, haddii aan weyno Aabayaashood ayaa qabanaynaa.” ayuu yiri wasiirka anmniga dowladda Puntland oo balanqaaday shabaq lagusoo doonay dambiilayaasha inuusan dib ugu laabandoonin caasimadda Garowe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here