Xubno Ka mid ah madaxda dowladdii Uu Hogaamiyaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu eedeeyey inay Fara-galin ku hayaan wadahadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca,wada-hadaladuna ay ka Socon la’yihiin.
Maxmed Xaaji Xuseen Wasiirkii Arimaha Gudaha Maamulkii Ximan iyo Xeeb oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaano iyo wasiiro xilal kasoo qabtay Dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud faraglin cad ay ku hayaan wada-hadalka Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna, islamarkaana kii ugu dambeeyay ay ayaga burburiyeen.
“Wada-hadalka u dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug waxaa faragalin ku haya Xubno Ka mid ah madaxda dowladdii Uu Hogaamiyaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan leenahay faraha kala baxa ayaaha dadka Gobolada Dhexe”, ayuu yiri Maxmed Xaaji Xuseen

