Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Degmada Afgooye

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/lahi Maxamed(Farmaajo) ayaa saakay ku wajahan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Afgooye oo goordhweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu ku wajahan Degmada islamarkaana ay isku diyaariyeen soo dhaweynta Madaxweynaha.

Ilaa haatan si dhab ah looma ogo sababta ka dambeysa socdaalka Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/lahi Maxamed(Farmaajo), uu ku tagayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo kamid ah degmooyinka aysan gacanta sida buuxda ugu haynin Dowladda Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here