Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in Ciidmada Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen deegaan u dhow Degmada Baardheere oo Ciidamada Kenya ay ku sugan Yihiin.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe weeraro xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin tuulada Tarako kadibna waxaa bilaawday dagaal culus.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Shabaab ayaa la sheegay in dagaalka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaanauu jirey qaraxa lala eegtay mid kamid ah gawaaridda dagaalka Ciidamada Difaaca Dowladda Kenya oo gurmad ahaa sida ay sheegeen Al-Shabaab.
Shabaab waxa ay sheegeen Sidoo kale in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa saadka saldhigga iyo teendhooyin ay xilligaas ku sugnaayeen ciidaada KDF-ta loo yaqaan ee melleteriga Kenya.
Dhanka kale Saraakiil sarsare oo u hadashay Kenya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaanka Taraka ee gobolka Gedo, waana deegaan u dhow Degmada Baardheere oo ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya ayuu sheegay inay dhankooda iska difaaceen weerarka.

