Maxamud Maxamud Saneey oo ahaa mudooyinkii dambe Gudoomiyaha Degmada balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hor yimid xil ka qaadis la sheegay in uu ku sameeyay Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali C/laahi Osoble.
Guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday Maxamud Maxamud Saneey oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay ama mas’uuliyiin ka Tirsan Hir-shabeelle oo tagay Degmada balcad.
Saney ayaa tilmaamay in hadii uu arko wax cad oo isaga xilka loogu qaadayo uu baneenayo jagada Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, balse aysan haatan soo gaarin cadeymo muujinayo arimahaas.
Wareegto Xalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Mamulka Hir-shabeelle Mudane Cali C/laahi Osoble ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle osoble ayaa Cismaan Maxamed Xaadoole u magacaabay guddoomiyaha Cusub ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe,waxaana xilka laga qaaday Maxamud Maxamud Saneey.

