Puntland Iyo Saraakiil Ka Socotay QM Oo Ka Wada Hadlay Shabaabka Ku Xiran Xabsiyada

0

Madaxweyne kuxigeenka  Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha EngAbdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 07 May 2017 kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Garoowe kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef Cumar

Cabdi, madaxa xafiiska Unicef ee bariga Africa iyo koofurta Africa, madaxa xafiiska Unicefeee Soomaaliya iyo madaxa is gaadhsiinta hay’addaasi Unicef.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Mas’suuliyiin katirsan golaha wasiirada Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in ay weftiga ka wada hadleen abaarta baaxadale ee shacabka Soomaaliyeed wax yeelada u geysatay iyo sidii loo caawinlahaa dadka ay wax yeeladu ka soo gaadhey abaartaasi, looguna dedaali lahaa sidii loo gacan qaban lahaa isla markaana loo kaalmayn lahaa dadkaasi.

‘’waxaanu kawada hadalay xaaladaha abaaraha maanta taagan, umma hadlayo Puntlandkeliya laakiin waxaanu ka wada hadalay jileeca iyo dhibta haysata ummadda Soomaliyeedmeelkastay joogto, inay wax u qabtaan oo aanu weliba ku faraxsanahay Unicef waxa ayqabanayaan runtii ka hay’add ahaan marka loo eego wax qabadkooda waanu kufaraxsanahy, laakiin hadana hawl kama daale weli waa hogadii’’ ayuu yiri kusimaha madaxweynaha Puntland

‘’ hada Mudug waa tegey waan ka soo laabtay, cayn iyo buuhoodle waan tegey waan kasoolaabtay xoolihii lagu noolaa waa dhamaadeen Riyo ha ahaadeen ama Ido ha ahaadeen iyaga 20% kayar baa dadka u hadhay waana noloshii dadka, dhaqaalihii dalka, waa hawshii keliya ee ummadda Soomaaliyeed ay taqaanay, in dadkii inta ay luga hooda isku taagayaan lacaawiyo sida ugu dhakhsaha badana dib loogu celiyo noloshii ay yaqaaneen hay’adda Unicef na ay gacan ka gaysato waanu ka wadda hadalay , wixii ay qaban kareena hore u soo qabte wayna ku mahadsan yihiin’’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland

Dhinnaca kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay inay kawada hadleen weftiga uuhogaaminayo kuxigeenka madaxa ugu sareeya hay’adda Unicef Mahomed Cumar maxaabiistii lagu soo qabqabtay dagaalkii Puntland dhirbaaxada kulul ku dhufatay kooxda nabad­diid ka ah ee Al­shabaab, kaas oo kal­hore ka dhacay Suuj iyo Garmaal, daryeelida, xanaanaynta iyo waxbarida maxaabiistaasi oo u badnaa caruur yaryar oo lamajara habaabiyey.

‘’hawsha kale ee aanu kawada hadalayna waxay ahayd qolooyinkii Al­shabaabka ahaa eeqaybna la geeyey xamar oo aad la socoteen qaybtii kalena halkan, bal sidii loo siin lahaa talobixin iyo waxna loo bari lahaa si dadka ay dib ugu laabtaan, iyada lafteeda runtii meel wacan baanu isla dhignay qorshahaasina waa uu socdaa wixii ay qaban karayaana waxay diyaar u yihiin inay inala qabtaan’’ ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here