Wasiirka horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee Maamulka Puntland Aniso Cabduqaadir Xaaji Muumin oo warbaahinta kula hadashay degmada Burtinle Gobolka Nugaal ayaa si kulul u hadashay maanta gabadh 13 jir ah oo dhawan lagu kufsaday deegaankaas.
Wasiirka haweenka ayaa kiiskan kufsiga ah awgiis u tagtay degmada Burtinle ayaa sheegtay in Puntland inaysan marnaba raali ka ahayn in lagu xadgubdo sumcada iyo xuquuqda gabdhaha ama dumarka Soomaliyeed islamarkaana ay Maxkamadda lala tiigsan doono kuwii ka dambeeyay kufsiga.
Arintaan kusoo beegmaysa xili dhawaan deegaanka Goldogob ee Gobolka mudug uu ka dhacay kufsiga noocaan oo kale balse muddo kadib ayaa la maxkamadeeyay kuwii ka dambeeyay kufsiga oo afar dhalinyaro ahaa.

