Raisulwasaaraha dalka Ethopia Hailamariam Desalegn oo warbaahinta Kula hadlay gudaha dalkiisa ayaa sheegay In dowladiisa ay ka shaqeyn doonto sidii ciidamada Ethiopia ka jooga Somalia ee aan qeybta ka aheyn AMISOM loogu biirin lahaa Taliska.
Raisulwasaare Hailamariam Desalegn, waxa uu tilmaamay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo inta badan ka howlgala deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose, waxauuna ballanqaaday inay kamid noqon doonaan ciidmada Midowga Africa ka jooga Somalia, si buu yiri meesha loogu saaro hadal heynta ku aadan in Ciidamada Ethopia aysan kamid aheyn AMISOM.
“Dowladda Ethopia qorshayaasha ay xiligaan waddo waxaa kamid ah in ciidamada Dowladda Ethiopia ka jooga Gobolada Somalia aan ku biirno AMISOM si ay usii xoojiyaan howlgalka AMISOM ee lagula dagaalamaayo Xarakada Alshabaab”, ayuu yiri Raisulwasaaraha dalka Ethopia Hailamariam Desalegn.

