Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland gaar ahaan maxkamada shanta gobol Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ayaa maanta dib Xoriyadoodii ugu soo celisay 11 maxbuus oo ku eedaysnaa Xarakada Al-shabaab ka dib mudo saddex bilood ah oo ay ku xirnayeen Saldhiga Bartamaha Ee Magaalada Boosaaso.
Eedeysanayaasha sii deysmadooda ayaa timid kadib markii hay’daha Baarista Ciidmada Booliska Puntland ay ku wayeen dinbiga lagu soo ogay.
Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee shanta gobal Cabdi fatax Xaaji Aadan ayaa halkasi kaga dhawaqay in 11 Eedaysane ay wax danbi ah laheyn dibna Xoriyadoodii loo siiyey maanta oo Axad ah.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee shanta Gobal Cabdi Fatax Xaaji Aadan ayaa Sidoo kale Xeer ilaalainta maxkamada iyo Haya,daha Danbi barista maamulka Puntland ugu baqay in ay soo gudbiyan Dacwadaha ay gacanta ku hayan inta aan la gaarin bisha Ramadan.







