Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo xalay ka qeyb galay barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Telefishinka Universal xaruntiisa Magaalada ayaa beeniyay in wax ka badal lagu sameeyay Magaca Banaadir iyo islamarkaana loo badalay Magaca Benaadir.
Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in magaca Banaadir ee “BA iyo BE” qof walba oo muwaadin ah uu u qoro karo siduu doono, islamarkaana aysan jirin wax ka badal lagu sameeyay Magaca.
“Wax magac Banadir oo la bedelay ma jiro aslanba, qofka muwaadinta ah Magaca BA ama BE, ha u qoro, kaliya waxa hada jawaheerka ka jiray oo umadda aysan fahmin waxay rahay arrimaha maamulka, si loo joogteyo waxay u baahan tahay wixii horay loo isticmaali jiray ee ku qornaa nuquladii iyo shuruucdii soo bilowday si ana u joogteyno oo xafiiska loo isticmaalo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.
Bishii hore ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho lagu faray waaxyaha kala duwan dowladda Hoose in wixii ka dambeeya ay magaca Banaadir lagu bedelay Benaadir, taasoo dad badan doodo iska soo horjeedo ka keeneen xaraf bedelkaas

