TV-ga Universal oo Laga Mamnuucay Deeganada Hir-shabeelle+Dhageyso

0

Maamulka Hirshabeelle ayaa xabsiga dhigay maanta  weriye Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ahaa wakiilka TV-ga Universal ee  Magaalada  Jowhar ee caasimadda Maamulkaas,wuxuuna sidoo kale Maamulka Amar ku bixiyay in Guud ahaan Telefeshinka laga mamnuuco dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay maanta xarunta madaxtoyada Maamulka Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar  ayaa sheegay in war been abuur ah uu ka faafiyay taleefishinka Universal kaasoo ahaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uu qaadacay ka qeybgalka shirka London ka dhacaya 11-ka bishaan May ee 2017ka kaasi oo loogu hadlaayo arrimaha Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in wakiilka wareedka Tv-ga ee Magaalada Jowhar weriye Ismaaciil Cabdulle Sabriye loogu digay in uu joojiyo wararka been abuurka ee uu baahiyo balse uu ka dhaga adeegay wariyaha sidaasna lagu xirey Tv-ga iyo wariyaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here