Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

0

 

Abaarihii 05:55 daqiiqo ayaa qarax lagu soo xirey gaari kuwa Raaxadda ah waxa uu ka dhacay wadada taleex Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku xirnaa gaari kuwa raaxadda ah oo uu watay C/kariin Shiikh Maxamed oo ah  Gudoomiyaha jaamacadda Horseed International University ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya, waxaana soo gaaray  dhaawac culus sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogyaal halkaas ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Lama ogo sababaha ka dambeeya in qaraxa lala beegsado Mas’uulkaan ka tirsan Maamulka jaamacadda Horseed International University ee Magaalada muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay marti galinaysay qaraxyadda Mas’uuliyadda loogu xiro Gawaaridda ay wataan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here