Ala Ha U Naxariistee Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska Xukuumadda Soomaliya oo caawa lagu dilay Magaalada muqdisho waxaa uu u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle.
Waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.
Bishii march aynu soo dhaafnay ee sanadkaan 2017-ka ayuu Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre u magacaabay Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda federaalka Soomaliya, Ala Ha U Naxariistee Siraaji waxa uuna ahaa sidoo kale wasiirkii ugu dhalinta yaraa Wasiiradda Soomaliya.

