Madaxweyne Farmaajo oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Addib Ababa+Sawwiro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay R/wasaaraha Wadanka ItoobiyaHailemariam Desalegn, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta madaxweynaha Soomaliya  oo aheyd mid aad u heer sareysay ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo garaacay astaata Calanka Soomaaliya, iyadoo calamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la is hareer suray ay ka banayay garoonka diyaaradaha iyo banaankiisa.

Farmaajo ayaa waxaa uga bilaabatay Magaaalada  Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia booqasho qaran oo qaadan doonta labo cisho, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay joogaan Addis Ababa booqan doono goobo kala duwan oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Federaalka Itoobiya,Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Addis Ababa, isagoo Madaxweyne ah, waxaa uu horay u booqday isagoo Ra’iisul Wasaare ah sanadkii 2011.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ahaa mid aad u hooseeyay tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay horaantii bishii February, iyadoo xilligaas Itoobiya loo arkayay in aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, si gaar ahna u taageersaneyd Musharaxiin kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here