Kheyre:-“Waxaan Diyaar u ahay in aan Nafteeda Ku Waayo Difaaca Shacabka”,+Dhageyso

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galay Madal looga hadlayo dar-dar galinta Waxqabadka Xakuumadda Federaalka Soomaaliya iyo diyaarinta qorshaha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diyaar u tahay difaacidda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo jeediyay qudbad uu kaga hadlayo qorshaha Xukumaddu ay doonayso inay dalka ku horumariso, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha gudaha,  Dhaqalaha, Waxbarashada, Caafimaadka  Midnimada Ummadda, Siyaasad midaysan oo Soomaaliya kula macaamilayso Caalamka.

“Waa inaan shacabka dhexgalnaa  oo an dhageysanaa tallooyinkooda, waa inaan aqbalnaa isla xisaabtanka, waa  inan ciidankeena dhiiri gelinaa, ciidankeena aniga xitaa waxaa ii qorsheysan inaan ugu tego  meesha ay jogaan xitaa hadii aan naftayda ku waynayo”.ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here