Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin ay wajahayaan shacabka Soomaliyeed ee ku nool deeganada Gobolka Togdheer, islamarkaana ay wax qaban doonaan.
Madaxweyne Camey oo Shacabka Buuhoodle ka dhegaysatay baahiyahooda,ayaa sheegay in ay isku biirsadeen dhibaatooyin badan, islamarkaana Puntland ay u diyaar Garoobayso sidii loo samata Bixin lahaa dadkaas.
Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay inay Magaalada Buuhoodle ay tahay magaalo Puntland ah oo aan shaki ku jirin, wuxuuuna meesha ka saaray dacaayadaha raqiiska ah ee ah inay Magaalada Buuhoodle tahay magaalada lagu muransan yahay.
“Hay’addaha samafalku baqaylnimadooda waxay Buuhoodle ku tilmaameen dhul lagu muransan yahay hadaba waxaan taaganahay xararamka oo ah bartii ugu dambeysay Puntland, waxaana u sheegayaa caalamka in halkani tahay dhul Puntland, dadkaanina yihiin dadkaygii,” ayuu yiri Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey).

