Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa gaaray wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaliya, oo ka qeyb galaya Doorashada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug oo maalinta bari ah dhacaysa.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, waxaana ku wehliya safarka Wasiirka howlaha guud Xirsi Rooble, Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha C/kariin Khaliif Dhalac, wasiir dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi kaariye iyo xildhibaano federaalka ah.
Wafdigaan waxaa xarunta madaxtooyadda Dowladda Goboleedka Galmudug ee Cadaado kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Mas’uuliyiin kale.







