Kheyre:-“Waan Samata Bixin Doonaa Dhallinyarada Ku Dhibaateysan Xabsiyada”,+Dhageyso

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Xukuumaddiisa  ay xoogga saareyso sidii loo samata bixin lahaa dhallinyarada ku dhibaateysan xabsiyada dalka dibadiisa ah, ayna Xukuumaddu ka xuntahay dhibaatda dhalinyarada heysato, lagana shaqeynayo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada.

“Runtii aad ayaan kaga Xunahay ka Xukuumad ahaan dhibaatooyinka ay wajahayaan dhallinyarada ku dhibaateysan xabsiyada dalka dibadiis, dhalinyaraddda Soomaliyeed iyagoo ah mustaqbalkii dalk in ay dhibaatadaas maraan, nabad iyo amni hadii la helo dhalinyaradda dalka ayay ka shaqeyn doonaan”, ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Qaar kamid ah Xabsiyadda dalalka Caalamka ku yaala waxaa  ku xiran dhalinyarro Soomaliyeed oo qaarkood ku xukumay dil Toogasho ah,Dowladiii Hore ee Soomaliya oo dhowr jeer oo hore ka hadashay arintaan  ayaa hadalkeeda kusoo koobtay in wax laga qaban doono dhibaatooyinka haysta dhalinyaradda Soomaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here