Ahlusuna:-“Natiijadda Doorashada Cadaado Ka Dhacaysa Ma Aqbali Doono”,

0

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in aysan aqabli doonin natiijo walba oo kasoo baxda doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maalinta bari ah lagu qaban doono Magaalada Cadaado.

Ahlusuna Waxa ay sheegtay in mar walba diyaar ay u ahaayeen wada-hadal lala galo Dowldda goboleedka  Galmudug,balse ay wada-hadalka ka socon waayeen shaqsiyaad ka tirsan Galmudug oo doonayay in la burburiyo jiritaanka Ahlusuna.

Sidoo kale Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa sheegay in haatan uusan soconin wada-hadal u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca, islamarkaana wafdigii ka socday Ahlusuna ay dib ugu laabteen magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Marka laga soo tago hadalka Ahlusuna Waljameeca, Maamulka Galmudug ayaa sheegay in wada-hadalka ay ka socon waayeen dhanka Ahlusuna Waljameeca kadib markii ay soo bandhigeen sharuudo aan la aqbali Karin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here