War Deg Deg:-Qarax Xoogan oo Gordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax Xoogan ayaa abaarihii 07:07-daqiiqo ee Caawa waxaa laga Maqlay gudaha Degmada hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Deva ee Maagaala Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay Xildhibaan Maxamuud Abuukaate iyo Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir oo watay gaari kuwa Raaxadda ah, waxaana la xaqiijiyay in labada mas’uul ay ka badbaadeen qaraxa la doonayay in lagu qaarijiyo, balse ay waxyeelo kasoo gaartay shacab Soomaliyeed oo wadada marayay.

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa jira howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay qaraxa la doonaya in lagu qaarijiyo Xildhibaan C/casiis Cilmi oo kamid ah Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here