Barlamaanka Carabta oo War Kasoo Saaray Duqeyntii Lagu Laayay Qaxooti Soomaliyeed+Dhageyso

0

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo kulan ku yeeshay Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar ayaa soo saaray Warsaxaafadeed loogu hadlay duqeyntii dhawaan lagu laayay qaxooti Soomaliyeed oo marayay Biyaha dalka yemen islamrkaana kusii jeeday dalka Suudaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamanka Federaalka Soomaliya islamarkaana xubin ka ah Baarlamanka Jaamacadda Carabta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Baarlamaanka Jaamacadda Carabta uu si kulul u cambaareeyay duqeynta lagu laayay qaxootiga Soomali ay ku jireen islamarkaana ay dalbadeen in baaritaano dhab ah lagu sameeyo falkaas.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamanka Soomaliya islamarkaana xubin ka ah Baarlamanka jaamacadda carabta ayaa tilmaamay in la isku raacay in Guddi xaqiiqo raadin la magacaabo, islamrkaana kasoo warbixiyo cida ka dambeysay duqeynta lagu laayay qaxootiga Soomaliyeed, cidii lagu helo talaabo sharciga waafaqsan laga qaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here