War Deg Deg:-Askari Dilay Qof Shacab ahaa, Labo Kalena Dhaawacay oo Lagu Toogtay Baydhabo

0

Maxakamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay Magaalada baydhabo ku toogatey askari ka tirsanaa Ciidamada booliska gaarka ah ee Dowladd goboleedka koonfur galbeed Soomaliya oo horey u diley qof shacab ahaa, Labo kalena dhaawacay.

Dable Cali Buurow Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku eedeysnaa in 10/10/2016-kii uu dilay qof shacab ahaa, dhaawacayna Labo ruux oo marxuumka la dilay adeer u ahaa, falkaas oo ka dhacay degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Cadeymo iyo marqaatiyaal kadib waxaa lagu xukumay Dable Cali Buurow Maxamed oo ka tirsanaa ciidanka booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya xukun dil ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow iyo guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute, ayaa ku sugnaa gooba lagula fuliyay askarigaan xukunka dilka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here