Madaxweyne Farmaajo oo Diiday Dalab Ugu Yimid Dowladda Ethopia

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa diiday dalab ugu yimid dowladda Ethopia oo ku aadan in uu booqdo Magaalada addis ababa ee xarunta dalkaas ka hor inta uusan furmin shirka Magaalada London ee 11-ka bisha soo socota.

Ilo lagu lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in saraakiil uu kamid yahay Generaal Gebre oo dowladda Ethopia inta badan ugu wakiil ah siyaasadda Soomaliya ayaa usoo bandhigay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo in uu booqdo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia inta uusan u safrin Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta keentay in Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo uu diido in uu booqdo Mgaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia, iyadoo madaxdii ka horeysay ay booqan jireen dalkas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here